Jimco 27 March 2026 {CBB}Baydhabo – Mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal, Xildhibaan Xasan Cabdinur iyo Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku gaaray furimaha hore ee ciidamada ammaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay jiidaha hore, halkaas oo ay ku qaabileen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Taliyaha Degmada Baydhabo, Taliyaha CID-da, Guddoomiyaha Degmada Awdiinle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Intii ay ku sugnaayeen furimaha, mas’uuliyiintu waxay warbixinno ka dhegeysteen saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, iyagoo bogaadiyay doorka ay ciidamada ammaanku ka qaadanayaan difaaca deegaanada Koonfur Galbeed iyo ilaalinta amniga shacabka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale si kulul uga hadlay waxa ay ku tilmaameen duullaan ay dowladda dhexe ku soo qaaday deegaanada Koonfur Galbeed, iyagoo cambaareeyay falal ay sheegeen in lagu hurinayo isku dhacyo beeleed iyo hubeyn loo sameynayo beelaha walaalaha ah.
Ugu dambeyn, wafdigan ayaa ugu baaqay shacabka iyo ciidamada inay muujiyaan midnimo iyo iskaashi, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka bulshada, isla markaana looga hortago wax kasta oo khatar gelin kara nabadda deegaanada Koonfur Galbeed.








