Home WARARKA MAANTA Guddiga uu Laftagareen u xilsaaray Doorashada Koofur Galbeed oo shaaciyay Magacyada Xildhibaannada...

Guddiga uu Laftagareen u xilsaaray Doorashada Koofur Galbeed oo shaaciyay Magacyada Xildhibaannada uu soo xulay

2
0

Sabtii 28 March 2026 {CBB}Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koofur Galbeed uuna magacaabay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dhawaaqay magacyada Xildhibaannada Baarlamaanka 3aad ee Dowlad-Goboleedkaas uu usoo xulay Guddigaan.

Xubnahaan waxa ay tiradoodu gaaraysaa 95 Xildhibaan, waxaana la sheegay in ay iska dhex dooran doonnaan qofka ugu da’da wayn si uu u noqdo shirguddoonka kumeel-gaarka ah ilaa inta ay ka dooranayaan Guddoonkooda.

Halkaan ka aqriso Magacyada Xildhibaannada cusub ee la shaaciyay:

Kulankooda maanta waxaa lagu go’aamin doonnaa guddoonka ugu da’da wayn waa haddii uusan ahayn musharrax doonaya Xilka Guddoomiyaha ama ku xigeennadiisa, waxa uu kaddib magacaabi doonnaa guddiga doroashada guddoonkooda.

Guddigaas cusub ee ka dhex imaanaya Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa shaacin doonna waqtiga doorashada, araaji qabashada iyo wax weliba oo la xiriira tartanka oo marka la doorto guddoonka uu howsha la wareegi doonno.

Marka uu guddoon yeesho Baarlamaanka 3aad ee Koofur Galbeed waxaa la shaacin doonnaa doorashada Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas waliba waqti kooban maadaama doorashadu ay tahay mid si degdeg ah uu maamulkaas u qabanayo.

Doorashada halka dhinac ah ee Madaxweyne Laftagareen ku qabsanayo Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa kahor yimid mas’uuliyiin kasoo jeedda deegaannada maamulkaas iyaga oo waxba kama jiraan kasoo qaaday natiijada weliba oo halkaas ka soo baxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here