Sabtii 28 March 2026 {CBB}
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaray Waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo dib u dhis xooggan lagu sameeyay maadaama dhibaato xooggan lagu qabay burburkeeda.
Waddadaan ayaa muhiim u ah isu gudubka Degmooyinka Howlwadaag, Hodan & Waaberi, waqtiyada roobka uu da’o waxaa ku yaallay goobo biyo fadhiistaan oo muddo dheer isu socodkeda joogsan jiray balse laga hirgeliyay buundo biyuhu hoos maraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa howshaan ku sifeeyay mid kamid ah dedaallada dib u dhiska ah ee Dalka ka socda, waxa uu carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali Karin waddooyin iyo xaafado is dulsaaro oo xiliyada dabku kaco la waayo marin loo maro.
Waddadaan waxaa horay u dhagax-dhigay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, mar ayay u istaagtay dhaqaale la’aan soo wajahday sida uu xiligaas sheegay duqa Muqdisho iyada oo ugu dambayn dib u dhiska la billaabay.







