Sabtii 28 March 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay dalka ka dhacayn doorasho Dadban isla markaana laga gudbay waqtigeeda lana dhammaystirayo heshiisyadii hore ee lagu gaaray doorasho Dadweyne.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay shaqsiyaadka ay isku qabteen siyaasadda isaga oo xusay in ay jiraan qaar kamid ah Raggaas oo saxiixay heshiisyada dhabbaha u noqday gaarista Doorashada Dadweyne.
“Ragga qaar maanta aan is hayno waxa aan haynaa dukumiintiyo saxiixooda ku yaalla oo ah Doorasho qof cod ah, Dhismaha Guddiga Doorashooyinka & 20 heshiis ka badan ay galeen ayna saxiixeen, Doorashadii dadbanayd waa laga yimid, wayna dhammaatay” ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysanaya in ay dalka ka dhacayso Doorasho Dadweyne halka mucaaradka diidan ay ku doodayaan in aanay suuragal noqon Karin arrintaas marka la dhinac dhigo waqtiga u haray Dowladda.







