Home WARARKA MAANTA Xuutiyiinta Yemen oo 5 todobaad kaddib si toos ah ugu biiray dagaalka...

Xuutiyiinta Yemen oo 5 todobaad kaddib si toos ah ugu biiray dagaalka ka dhanka ah isbahaysiga Israa’iil

2
0

Sabtii 28 March 2026 {CBB}

Kooxda Xuutiga ah ee fadhigeedu yahay Dalka Yemen ayaa 5 todobaad kaddib waxa ay si toos ah uga qaybqaadatay dagaalka ka socda Bariga Dhexe iyada oo gantaallo culus ku garaacday qaybo kamid ah Dhulka ay Yuhuudda haysato.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, Yaxya Qaasim Sariic oo shirjaraa’id qabtay ayaa sheegay in markii ugu horraysay ay gantaallo culus ku dhufteen dhulka Israa’iil ay xoogga ku haysato gaar ahaan goobo bartilmaameed u ah oo xogtooda ay hayeen.

Sarreeye Guuto, Yaxya Sariic ayaa sheegay in ay kusoo biireen ka qaybgalka Dagaalka ka dhanka ah Israa’iil si loo baabi’iyo dhinacyada Siyaasadda, Militariga iyo dhaqaalaha ee maamulka Xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Waxaa Xuutiyiinta Yemen lagu xusuustaa xiliyadii ay socdeen dagaallada Gaza iyo kii Iiraan lagu qaaday ee ka horreeyay kan hadda socda, gantaalladooda balaastiga ah waxa uu gaaraa goobo bartilmaameed ah waxaana ay ka gudbaan qalabka difaaca Hawada sida wararku sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here