Home WARARKA MAANTA DEG DEG ;-Xildhibaannada cusub ee Koofur Galbeed oo maanta Baydhabo lagu dhaariyay

DEG DEG ;-Xildhibaannada cusub ee Koofur Galbeed oo maanta Baydhabo lagu dhaariyay

3
0

Sabtii 28 March 2026 {CBB}

Magaalada Baydhabo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 3aad ee xalay liiskooda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka maamulkaas.

Tirada Xildhibaannada cusub waa 95 Xildhibaan, waxaa dhaarintooda goobjoog ka ahaa Guddiga shaaciyay Magacooda iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si uu Baarlamaanka shaqadiisa u billaabo.

Guddoomiye kumeel-gaar ah ayay isla maanta u doorteen Xasan Cabdi Nuur Aalbaro, waxaa lagu wadaa in uu magacaabo guddi ka kooban Baarlamaanka cusub oo qabanqaabiya Doorashada Guddoonkooda.

Waxaa horyaalla caqabada iyo culays xooggan oo dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga taabanaya maadaama xulistooda iyo dhaarintoodaba ay diidmo kala hortageen Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka kasoo jeeda deegaannada maamulkaas.

Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ay isku dhinac wadayso doorashooyinka iyo difaaca Dowlad-Goboleedkaas waana tan keentay in ciidamo badan uu maamulkaasi geeyo deegaannada duleedka ah si ay uga hortagaan weerar weliba oo ka imaanaya dhinacyada ay is hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here