Home WARARKA MAANTA Maxay ka wada hadleen ra’iisul wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed?

Maxay ka wada hadleen ra’iisul wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed?

142
0

Khamiis 12, Sept 2024 {CBB}Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha amniga iyo qorsheyaasha bixitaanka Howlgalka ATMIS gaar ahaan ciidamada Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa wada dadaalo uu Madaxweyne Laftagareen ugu qancinayo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyna maamulka iyo dowlad federaalka si looga hortago kala arragti duwanaan.

Sidoo kale, xogaha ka soo baxaya kulankaasi ayaa tilmaamaya in la isku soo qaaday sidii Madaxweynaha Koofur Galbeed uga qeyb gali lahaa shirka soo socda ee madasha wadatashiga qaran ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Kulamada ka socda Baydhabo ayaa imaanaya xilli deegaannada Maamulka Koofur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool ay ka dhaceen bannaanbax lagu taageerayay ciidamada Itoobiya in ay sii joogaan gudaha dalka.

Tillaabadaasi ayaa waxaa ka dhashay muran iyo kala arragti duwanaan soo kala dhex gashay qaar kamid ah Xildhibaannada golaha shacabka, kaasi oo ugu dameyn guddoonka sheegay in la xalliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here