Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada kala hadlay Qorshaha lagu sugayo Amniga...

MW Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada kala hadlay Qorshaha lagu sugayo Amniga ee Gobolka Baay

1
0

Talaado 7 April 2026 {CBB} –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Hay’adaha ammaanka.

Ujeedka kulanka waxa uu ahaa mid diiradda lagu saaray qorshaha cusub ee lagu xoojinayo nabadgalyada Gobolka Baay gaar ahaan Magaalada Baydhabo oo dhammaadka bishaan lagu wado in ay ka dhacdo Doorasho isku sidkan oo Dadweyne.

Taliyeyaasha ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta qorshaha cusub iyo sida ay isaga kaashanayaan iyaga oo ku ballamay in ay shaqada loo kala qaybiyo ciidamada weliba si isku xiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saraakiisha ciidamada faray in ay dabagal ku sameeyaan howlgallada socda ee lagu xoojinayo nabadgalyada isla markaana la xoojiyo kalsoonida Shacabka lagana hortago wax weliba oo dhibaato ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here