Arbaco April 8, 2026 {CBB}
Maraykanku waa inuu kala doortaa xabbad-joojin ama dagaal sii socda “iyadoo loo marayo Israa’iil”, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ka dib weerarro isdaba joog ah oo maanta ka dhacay Lubnaan.
Qoraal uu ku daabacay barta X, Cabaas Araghchi wuxuu sheegay in shuruudaha lagu heshiiyey ee xabbad-joojinta laba toddobaad ah ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ay yihiin “kuwa cad oo si toos ah loo qeexay”.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan waxa uu qoraalkiisa ku lifaaqay ogeysiiska xabbad-joojinta ee uu soo saaray ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, isagoo muujinaya sida Sharif u sheegay in heshiiska uu kamid yahay joojinta weerrarad Lubnaan.
“Maraykanku waa inuu midkood doortaa xabbad-joojin ama dagaal sii socda oo loo marayo Israa’iil. Labadaba wa wada socon karaa,” ayuu yiri Araghchi, isagoo intaas ku daray in “adduunku waa inuu arko xasuuqa ka socda Lubnaan”.
Waxa uu sidoo kale, hadalkiisa ku daray “Kubadda waxay taallaa garoonka Maraykanka, adduunkuna wuxuu eegayaa haddii uu ka dhabayn doono ballanqaadyadiisa.”



