Home WARARKA CAALAMKA Dekedda Muqdisho ayaa waxa kasocda dhaweyneysa Markabka qodaya Shidaalka Dalka.

Dekedda Muqdisho ayaa waxa kasocda dhaweyneysa Markabka qodaya Shidaalka Dalka.

2
0

Jimco April 10, 2026 {CBB}Madaxda dalka & Mas’uuliyiin ka socota Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dekedda uga qaybgalaya munaasabadda lagu soo dhaweynayo Markabka Çağrı Bey ee shidaalka kasoo saaraya ceelashii horay loo sahmiyay.

Wafdi sare oo ka socda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho soo gaaray halka qaar kale lagu wado in ay kasoo degaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si ay qayb uga noqdaan munaasabadda lagu soo dhaweynayo Markabka Çağrı Bey.

Soo dhaweyn kaddib waxaa isla maanta munaasabad kale oo lagu soo ambabixinayo Markabkaan loogu qabanayaa Dekedda Muqdisho si uu ugu dhaqaaqo shaqada qodista Shidaalka Soomaaliya sida ay ku warrameen ilo ku dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here