Jimco April 10, 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, XamsaBarre, Wasiirro katirsan Xukuumadda ayaa ka qaybgalay tartan orod fudud ah oo kasoo billaabanayay Isogyska KM4 kuna dhammaanayay Taallada Daljirka Daahsoon.
Wasiirrada ka qaybgalay waxaa kamid ah Wasiirka batroolka & Macdanta, Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS, Maxamed Cabdulqaadir Cali, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Tartankaan ayaa loogu magac daray xiritaanka tartanka orodka Toddobaadka Ciyaaraha Nabadda iyo Horumarka Muqdisho, waxaa kale oo ka qaybgalay dhallinyaro orodyahanno ah oo lagu abaalmariyay kaalmaha ugu horreeya.

Mas’uuliyiin katirsan xiriirka Ciyaaraha Soomaaliya oo uu guddoominayay Guddoomiye Cali Shiine, kuwa qaabilsan ciyaaraha fudud ayaa qayb ka ahaa kuwaas oo Wasaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha XFS la qabanqaabiyay Munaasabaddaan.







