Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh “Turkiga waxa uu ku dhiirraday in uu Maraakiib lacag...

MW Xasan Sheekh “Turkiga waxa uu ku dhiirraday in uu Maraakiib lacag badan ku fadhiya uu usoo diro Soomaaliya”

1
0

Axad 11 April 2026 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aanka soosaarka Shidaalka uu yahay mid looga hortagayo dhibaatooyinka dhaqalaha ku xiran ee dalka ka haysta.

Waxa uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay ogtahay ugana mahadcelineyso Dalalka ka gacansiiyay Amniga & Xaaladaha Bani aadamnimada Turkigana uu kamid yahay Dalalkaas, waxaana uu dhiirrageliyay go’aanka Madaxweyne Erdogan ee arrimaha Soomaaliya.

“Markabka wayn ee Cagri Bey & kuwa la socda waxa ay Soomaaliya u yimaadeen arrimaha Shidaalka iyaga oo soo maray jid dheer oo ku qaatay labo bil in ay soo socdaan” Ayuu yiri Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay qiimeeyaan waayaha lasoo maray iyo waxa hadda horyaalla oo marka ay is barbardhigaan waxa uu soo baxa ku dhaqaaqaan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo xubno kale oo qaarkood ka socday Turkiga ayaa soo dhaweeyay Markabka Cagre Bey isla xiligaasina kasii sagootiyay si uu u gaaro meelaha laga qodayo Shidaalka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here