Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wafdii uu Hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeer shaqo iyo...

Sawiro;-Wafdii uu Hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeer shaqo iyo isla xisaabtan adeegyada caafimaafka Magaalada Baraawe

40
0

Axad 22, Sept 2024 {CBB}Wafdii uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeer shaqo iyo isla xisaabtan adeegyada caafimaafka ah ku tagay dhammaan xarumaha caafimaadka Degmada Baraawe oo ugu horeeyo Isbitaalka Guud ee Degmada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Saqaawudiin, Dayax iyo Howlwadag.

Wafdiga Kormeerka sameynayey ayaa mid mid u kuurgalay adeegyada caafimaad ee socda, iyagoo fiirinaayey tayada adeegyada, tayada daawada, tayada warbixinnada iyo guud ahaan baahiyaha ka jira xarumaha.
Dhammaan maamulada xarumaha ayaa aad u soo dhaweeyay booqashada wafdiga Wasaaradda, maadaama Wasaaradu ay dadaal dheer ku bixineyso xaqiijinta hadafka ah tayeynta shaqaalaha caafimaadka si loo bixiyo adeeg caafimaad oo tayo leh loona helo bulsho caafimaad qabta taasoo ah ajandaha loo dhan yahay ee yoolka 3-aad.
Wafdi Wasaaradda ayaa kulamo iyo shirar kala duwan la qaatay dhammaan wakiilada hay’adaha wada shaqeynta dhow la leh Wasaaradda, iyagoo ku booriyey baahida ah adeeg caafimaad oo tayo leh, Wasaaradda Caafimaadkana ay la xisaabtami doonto cid waliba oo adeegeeda liidato.
Sawiro;– Hoos Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here