Axad 22, Sept 2024 {CBB}Maxamed Cabdi Waare oo ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta xiisadda ka dhex jirta Dowladaha Masar iyo Itoobiya ee ku dhex milmeysa arrinta Soomaaliya.
Waare ayaa sheegay in labadaan Dowlad midkood aanay ka shaqeyn danaha Dadka Soomaaliya balse tooda keliya ay ka dhex eeganayaan, dhibaatada ka dhalan karta haddii ay is qabtaan ay dhaxli doonto Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
“Anaga dhexdeenna waan isku noognay ee hadda maan kala dooraneynaa Masar & Itoobiya? Sida hadda aan ku socono haddii aan kusii socono, 20 KM oo bad ah ayaa hadda la yaabanahay, Dad Soomaali la dhihi jirey ayaa jiri jiray ayaan maqli doonaa, haddii aynaan ka bixin khiyaaliga iyo in aan la kala jirsanno Masar & Itoobiya ama shisheeye kale” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca Amniga ah la gashay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, waxa ay labada dhinac dhowaan billaabeen dhaqangelinta heshiiskaas iyada oo Qaahira iyo Muqdisho is dhaafsanayaan xogaha muhiimka u ah iskaashigooda.
Kala Soco Wixii Warbaahinta CBB