Home WARARKA CAALAMKA RW Lubnaan oo ka baaqday Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay &...

RW Lubnaan oo ka baaqday Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay & Xiisadda Bariga Dhexe oo halisteeda sii korortay

50
0

Axad 22, Sept 2024 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnaan Najib Mikati ayaa ka baaqday safarkii uu ugu ambabixi lahaa Maraykanka gaar ahaan Magaalada New York si uu uga qaybgalo Shirka guud ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayo xaaladaha dunida kusoo kordhay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Najib ayaa ku dhawaaqay in uu socdaalkaas ka baaqday maadaama Dalkiisa ay duqeymo arxan-darro ah ka geysteen Ciidanka Israa’iil isla markaana uu u baahan yahay in laga hadlo xaaladda ku habboon weerarkaas.

Waxa uu Mikati sheegay in aanay indhaha laga daawan Karin weerarrada duqeymaha aan loo meel dayin ee sidii roobka oo kale Israa’iil ugu beegsatay Dhulkiisa, sidaas awgeed ay qaadi doonnaan tallaabada ku habboon arrintaas.

Ciidanka Israa’iil oo adeegsanaya Diyaaradaha Casriga ah ee Maraykanka ayaa wax ka yar 48 saac waxa ay duqeymo culus uga fuliyeen Dhulka Lubnaan, waxa ay saraakiisha u hadashay Tel Aviv ay sheegteen in ay beegsadeen xeryo ay ku sugan yihiin Xisbullaah.

Waxaa xigay weerar kale oo Xisbullaah ku beegsatay mid kamid ah Saldhigyada ku yaalla Bartamaha Dhulka Israa’iil sida xoogga ah ku heysato kana mid ahaa goobaha inta badan Yuhuuddu ay ku faani jirtay in aanay la beegsan Karin.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa qasan, waxaa laga qabsi qabaa in uu dagaal toos ah dhexmaro Israa’iil oo garab ka heleyso Isbahaysiga uu hoggaamiyo Maraykanka iyo Dalalka ay ku sameysay daandaansiga sida Iiraan, Lubnaan, Suuriya, Yemen iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here