Jimco 1 may 2026 {CBB}Magaalada Muqdisho waxaa ku kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahim Diene.
Waxa ay kawada hadleen hirgelinta waajibaadka shaqo ee AUSSOM, Xoojinta iskaashiga Amniga, Xasilinta iyo u heshiisiinta oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay mas’uul ka tahay balse uu Midowga Afrika ka caawinayo.
Madaxa AUSSOM ayaa dhankiisa waxa uu Wasiir Cali Xoosh u ballanqaaday in uu kala shaqaynayo kaalinta ugu furan howlgalkooda, waxaana uu tilmaamay in uu dardargelinayo la shaqaynta hay’adaha kale ee Dowladda.







