Jimco 1 may 2026 {CBB}Sannadkii 1889, shir lagu qabtay magaalada Paris ee Faransiisk oo ay isugu yimaadeen ururrada shaqaalaha caalamiga ah ee ayaa si rasmi ah loogu ansixiyay in 1-da May noqoto maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha.
Tani waxay keentay in dalal badan oo Yurub iyo dunida kale ah in ay u dabaal-degaan maalintan si ay u muujiyaan midnimada iyo garab istaagga shaqaalaha.
Ururka Shaqaalaha Adduunka ee ILO oo hoos yimaada Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah 1-da May u aqoonsaday Maalinta Shaqaalaha Adduunka.
Maalintan oo ah fasax caalami ayaa la abaabula Munaasabado looga hadlo xuquuqda Shaqaalaha, shaqo la’aanta, saacadaha shaqada, iyo badqabka shaqaalaha.
Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Shaqaalaha Adduunka ee ILO ayaa sannadkan fasaxday dhammaan Howlwadeennada dowladda, si loo xuso munaasanadan 1 May.
Dalkeena weli waxaa ka jirta shaqo la’aan baahsan oo ay wajahayaan dhallinyarada oo 75% ka ah bulshada Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay wax ka qaban doonto mushkilada shaqo la’aanta, balse waxaa weli muuqaneysa in ay jirto caqabadaasi.







