Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Ansixiyey Siyaasado Muhiim u ah Horumarinta Magaalooyinka...

Sawiro;-Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Ansixiyey Siyaasado Muhiim u ah Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha

2
0

Khamis  30 April 2026 {CBB}Golaha wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed iyadoo si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, horumarinta mashariicda iyo adeegyada bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyey laba siyaasad oo muhiim u ah horumarka gobolka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Guriyeynta iyo Siyaasadda Fasaxa Dhismaha oo soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha guud Labadan siyaasad waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo qorsheynta magaalooyinka, kor loogu qaado tayada dhismayaasha, iyo in la habeeyo nidaamka oggolaanshaha dhismaha.

Golaha Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay hirgelinta siyaasadaha la ansixiyey, si loo dardargeliyo horumarka iyo bilicda magaalooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here