Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Kulan la Qaatay Xildhibaano, Mas’uuliyiin Haween iyo...

Sawiro;-Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Kulan la Qaatay Xildhibaano, Mas’uuliyiin Haween iyo Abwaanno

1
0

Khamiis 28  Oct 2026 {CBB}Baydhabo, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Nuur Siidow Baaba, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Xildhibaan Aamina Eeley, La-taliye Luul Madkeer, Guddoomiyaha Haweenka Magaalada Baydhabo, Hinda Isxaaq, iyo qaar ka mid ah abwaannada magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee fanka iyo suugaantu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, ilaalinta nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo horumarinta dowladnimada.

Wasiirka ayaa kulanka ku faahfaahiyey qorshayaasha Wasaaraddu u dejisay horumarinta fanka iyo suugaanta, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto awoodda hal-abuurka, suugaanta iyo farshaxanka si bulshada loogu gudbiyo farriimo wax ku ool ah oo la xiriira nabadda, midnimada, wacyigelinta iyo horumarka bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Nuur Siidow Baaba ayaa dhageystay talooyinka iyo aragtiyaha ay soo jeediyeen ka-qaybgalayaashu, kuwaas oo la xiriiray dardargelinta howlaha fanka iyo suugaanta, xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo hal-abuurayaasha, iyo sidii loo horumarin lahaa suugaanta iyo dhaqanka suubban ee bulshada Koonfur Galbeed.

Ka-qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka abwaannada iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ee gudbinta farriimaha bulshada anfaca, kobcinta wacyiga dadweynaha iyo dhiirrigelinta nabadda iyo wada noolaanshaha.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed ay ku doonayso xoojinta wacyigelinta bulshada, horumarinta fanka iyo suugaanta, iyo ka faa’iideysiga hal-abuurka Soomaaliyeed si loo taageero nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here