Home WARARKA MAANTA DFS oo dib u dayactir ku sameynaysa Buundada Baardheere

DFS oo dib u dayactir ku sameynaysa Buundada Baardheere

2
0

Khamiis 28  Oct 2026 {CBB}Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda ay dib u dayactir ku sameyn doonto Buundada degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ku burburtay roob da’ay 2023kii.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruuca dayactirka buundooyinkan ay dowladda Soomaaliya ka taageerayso Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank).

“Waxaan dib u dayactir ku sameynaynaa buundooyin ku yaalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana mashruucan naga taageeraya African Development Bank,” ayuu yiri Wasiir Biixi Iimaan Cige.

Buundooyinka Baardheere ayaa ka qeyb qaata isku xirka labada dhinac ee magaalada iyo isu socodka dadka, gaadiidka iyo badeecadaha.

Sidoo kale, waxay door weyn ku leeyihiin isku socodka ganacsiga ee gobolka Gedo iyo gobollada deriska la ah, iyo isku xirka waddooyinka ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here