Home WARARKA MAANTA DFS oo Xog cusub kasoo saartay Shidaalka laga qodayo Xeebaha Dalka

DFS oo Xog cusub kasoo saartay Shidaalka laga qodayo Xeebaha Dalka

2
0

Khamiis 28  Oct 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay marayso shaqada qodista Shidaalka Dalka ee laga soo saarayo Xeebaha Dalka taasi oo kol hore billaabay shaqadaaa.

Somalia fishing industry

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Injineer Cabdulqaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in waqtigii shaqada la billaabay ay ahayd xili Baddu kacsanayd taasi oo saamayn taban ku reebtay la dadejiyo howshii la waday.

Injineer Cabdulqaadir ayaa intaas ku daray in xoogga la saaray sidii loo boobsiin lahaa shaqadaan laguna soo gabagayn lahaa waqtiga horay loo shaaciyay si Ummadda Soomaaliyeed ay u aragto natiijada ay muddo sugaysay sida uu hadalka u dhigay.

5,500 oo mitir ayuu sheegay in la qoday waxa dhiman ayuu ku tilmaamay in ay tahay 2,000 taasi oo ka shaqo fudud howshii lasoo qabtay ee looga soo gudbay Biyaha badda iyo lakabyada dhulka ee adag waa sida uu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan tagay Markabka Gacri Bey ee Turkiga uu leeyahay ee howsha shidaal soosaarka kawada Xeebaha Dalka, waxaana uu bogaadiyay shaqadaas isaga oo ku dhiirrageliyay howlwadeennada in ay gaaraan hadalka shaqadaan loo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here