Home WARARKA MAANTA Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Wadatashi la Yeeshay Xubno ka Tirsan Bulshada Rayidka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Wadatashi la Yeeshay Xubno ka Tirsan Bulshada Rayidka ah

2
0

Khamiis 28  Oct 2026 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, kuwaas oo uu ka dhageystay aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan xaaladda dalka, howlaha Golaha Shacabka, horumarinta adeegyada bulshada, midnimada iyo difaaca qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo in codka iyo aragtida shacabka ay si muuqata uga dhex muuqdaan hannaanka sharci-dejinta iyo isla-xisaabtanka.

Wadatashigan ayaa qayb ka ah barnaamijka Gole Kaab, oo loogu talagalay inuu fududeeyo xiriirka Golaha Shacabka iyo bulshada, isla markaana u sahlo shacabka inay gudbiyaan cabashooyinkooda, talooyinkooda iyo fikradahooda ku aaddan howlaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada rayidka ahi yeelato aqoon iyo awood ay kula socoto hindise-sharciyeedyada Golaha, ku qiimeyso saameyntooda, isla markaana ay talooyin ku dhisan xog iyo cilmi-baaris ugu gudbiso hay’adda sharci-dejinta.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka ay tiknoolojiyadda casriga ahi ku leedahay horumarinta howlaha Golaha Shacabka, gaar ahaan hirgelinta hannaan dijitaal ah oo fududeynaya ka-qaybgalka bulshada, helitaanka xogta iyo xoojinta hufnaanta howlaha baarlamaanka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka ah, si loo horumariyo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka sharci-dejinta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here