Talaado 10 Nov 2026 {CBB}Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa booqasho ugu tagay askarta ku soo dhaawacantay dagaallada ay ciidamada dowladda kula jiraan kooxda AS, kuwaas oo lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka.
Mas’uuliyiinta ayaa warbixin ka dhegeystay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada, iyagoo u muujiyey garab istaag, dhiirrigelin iyo taageero, isla markaana u rajeeyey caafimaad degdeg ah.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo dadaalka ay ciidamada qalabka sida ugu jiraan difaaca dalka, sugidda amniga iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah taageerada iyo dhiirrigelinta Dowladda Koonfur Galbeed ay u muujinayso ciidamada ku dhaawacma howlgallada ka dhanka ah AS







