Home WARARKA MAANTA Hogaamiye Guudlaawe oo odayaasha dhaqanka u diray Ugaas Yuusuf.

Hogaamiye Guudlaawe oo odayaasha dhaqanka u diray Ugaas Yuusuf.

2
0

Talaado 10 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay raadiyaan Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, si loo qanciyo loona xalliyo tabashooyinka ka taagan magaalada Beledweyne.

Guudlaawe ayaa sheegay in diyaar loo yahay in wax kasta oo ay beesha Xawaadle ku qanci karto laga wada hadlo, isla markaana la qaado tallaabooyinka lagu soo afjarayo khilaafka jira.

Dhanka kale, Imaamka guud ee beesha Mudullood, Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, ayaa gogol u fidiyey Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf, taas oo la xiriirta dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya iyadoo ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya hoggaanka Hirshabeelle iyo Ugaaska Xawaadle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here