Home WARARKA MAANTA Cali Jeyte iyo Wasiirka Batroolka oo maanta ku wajahan Beledweyne.

Cali Jeyte iyo Wasiirka Batroolka oo maanta ku wajahan Beledweyne.

2
0

Talaado 10 Nov 2026 {CBB}Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne, xilli ay halkaas ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo la xiriirta mowqifka Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Cali Jeyte Cismaan iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Daahir Shire, waxaana sidoo kale safarka ku wehliya Agaasimaha Dakhliga, Feysal Maxamed Xanshi, iyo Feysal oo horay u soo noqday Xoghayihii Wasaaradda Cadaaladda.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in ujeeddada safarka wafdigan ay tahay gogol-xaar lagu doonayo in lagu qabto wada-hadal dhex mara Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Somaliatravel guide

Safarkan ayaa imanaya iyadoo xiisadda ka taagan Beledweyne ay sii xoogeysanayso, kaddib markii Ugaasku uu baaq u diray bulshada iyo ciidamada deegaanka, isaga oo ka hadlay tabashooyinka siyaasadeed iyo xaaladda maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here