Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Cadaaladda Kgs Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Kulan Amni La Qaatay Saraakiisha...

Sawiro;-Wasiirka Cadaaladda Kgs Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Kulan Amni La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Baraawe

1
0

Talaado 10 Nov 2026 {CBB}Baraawe – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga, Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed, iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baraawe.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga magaalada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo diiradda la saaray xoojinta amniga, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyada shacabka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay maamulka degmada Baraawe, Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Jaamac Faarax Jareere, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Koonfur Galbeed, Sarreeye Guuto Cabdi Ibraahim Shaamow (Cabdi Dheere), Taliyaha Daraawiishta Qaybta Gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo ciidamada kala duwan, si loo adkeeyo amniga magaalada Baraawe iyo guud ahaan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here