Talaado 10 Nov 2026 {CBB}Xudur – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga isu socodka dadka iyo gaadiidka, laguna adkeynayo xasilloonida ka sameeyey deegaanno dhaca galbeedka magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 6-aad, Gaashaanle Dhexe Ciise Jelle Isaaq, waxaana qeyb ka ahaa Kaaliyaha Guutada 6-aad, Dhamme Cilmi Aadan Isaaq, Taliyaha Howlgallada Guutada, Dhamme Daahir Cali iyo saraakiil kale oo ka tirsan guutada.
Ciidamada ayaa gaaray deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Eedanow, Eelahely, Luku iyo Goowor, iyo deegaanno kale oo hoos yimaada magaalada Xudur, kuwaas oo qiyaastii 20 ilaa 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku xaqiijinayaan amniga deegaannada Gobolka Bakool, ilaalinta isu socodka shacabka iyo xoojinta xasilloonida guud ee gobolka.








