Home WARARKA MAANTA Guddoomiye Shuute “Waa dambi weyn in laga ganacsado Hub”

Guddoomiye Shuute “Waa dambi weyn in laga ganacsado Hub”

23
0

Isniin 23, Sept 2024 {CBB}Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin kasoo saaray heysashada, isticmaalka iyo iibinta Hubka, waxa uu tilmaamay in Maxkamad lasoo taagi doonno cid weliba oo kiiskaan faraha la gasha.

Shuute ayaa tilmaamay in ka maxkamad ahaan ay diyaariyeen Xubno la shaqeeya Ciidamada ammaanka oo marka lala wadaago xogta soo jaraya waaranka u ogolaanaya in la geli karo guryaha ama goobaha hubka lagu hayo.

Digniin ayuu u diray Shakhsiyaadka iibiya ama heysta hubka sharci darrada, waxa uu intaas ku daray in aanay marnaba laga aqbali doonin derajada uu leeyahay ama xilka uu hayo haddii lagu soo qabto hubkaas ay Dowladda dooneyso in ay xakameyso.

“Waa dambi weyn in laga ganacsado hub, waa jariimo lid ku ah badqabka muwaadinka iyo badbaadada Dalka, waxaa kale oo dambi ah in iyada oo lagu gambanayo mas’uuliyad in hub lagu heysto guriga, ka garsoor Ciidan ahaan waxaa diyaar naga ah marka la fulinayo howlgalka ka dhanka ah hubka sharci darrada ah Xeer Ilaaliye” Ayuu Yiri Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii todobaadkii tegay waxa uu sheegay in gacan adag lagu qabanayo qofkii lagu qabto ka Ganacsiga Hubka iyo in lagu heysto Guryaha, ciidamada ammaanka ayuu faray in ay qaadaan tallaabada ku habboon oo ah in lasoo qabto loona gudbiyo Maxkamad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here