Home WARARKA CAALAMKA Turkiga oo sheegay in Ciidankooda ay dhexdhexaad ka yihiin Khilaafka Dowladda iyo...

Turkiga oo sheegay in Ciidankooda ay dhexdhexaad ka yihiin Khilaafka Dowladda iyo Mucaaradka

1
0

Arboco 13 May 2026 {CBB}Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah beenisay farogalin la sheegay in ay ku hayaan Doorashooyinka iyo Siyaasadda gudaha Soomaaliya, iyagoo taageeraya hal dhinac.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Turkigu muddo dheer si sharci ah oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah ula shaqeynayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo iskaashiga labada dhinac uu diiradda saarayo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Turkiga ayaa caddeeyay in kaliya uu Soomaaliya ka taageerayo tayeynta ciidanka qaranka gaar ahaan dagaalka AS, isla markaasna aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka ama murannada siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Turkiga si buuxda u ixtiraamayso madax-bannaanida Soomaaliya iyo go’aannada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay taageersan tahay dimuqraadiyad iyo nabad waarta oo dalka ka hirgasha.

Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta in laga digtoonaado wararka been abuurka ah iyo marin habaabinta, kuwaasi oo dhaawici kara xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here