Arboco 13 May 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay goobta uu ka dhacayo shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda & Mucaaradka ee korjoogtada ka tahay Beesha Caalamka.
Axmed Fiqi ayaa sheegay in shirkaan uu ka dhacayo Xafiis Dowladdu leedahay oo ku dhexyeella Dhul Dowladdu ka taliso, waxa uu meesha ka saaray in kulankaan uu ka qabsoomayo xeendaabka Xalane oo ay degen yihiin Wakiillada Beesha Caalamka.
“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallim Fiqi isaga oo intaas kusii daray “Kuwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan”.
Fiqi ayaa xubnaha Mucaaradka ku eedeeyay in ay diideen Gogosha Madaxweynuhu uu fidiyay eek u taariikhaysnayd 10ka May 2026, waxaana uu carrabka ku dhuftay in isla gogoshii ay diidanaayeen ay dib ugu soo laabteen sida uu hadalka u dhigay.
“Waxay diideen gogosha madaxweynuhu u fididyey, tabartooda ayay soo tijaabsheen 10kii bishan, waxayna ku soo laabteen isla gogoshii qeyb ka mid ah.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi
Waxaa la sugayaa natiijada kasoo baxda shirkaan ay garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka una dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, waxaana xooggiisa looga hadlayaa arrimaha Doorashooyinka & Mustaqbalka Dalka.







