Home WARARKA MAANTA Maraykanka muxuu ka aaminsan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Qof...

Maraykanka muxuu ka aaminsan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Qof & Cod ah?

1
0

Arboco 13 May 2026 {CBB}Siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis oo wax laga weydiiyay khilaafka siyaasadeed ee salkeedu yahay doorashada Dalka una dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa sheegay in labada dhinac ay doonayaan doorasho Dadweyne balse ay ku kala duwan yihiin hannaanka loo marayo.

Justin Davis ayaa sheegay in meelaha ugu badan ee su’aalaha dulsaaran ay kamid yihiin qaabka oo hirgelinayo, waqtiga ay dhacayso, cidda kormeerayso iyo kuwo kale oo labada daraf ee Siyaasadda isku haya waa Dowladda iyo Mucaaradka ay kala cuksanayaan sida uu hadalka u hadalka u dhigay.

Waxa uu garab istaag u muujiyay in ay Soomaaliya ka dhacdo Doorasho xasiloon isla markaana xilka lagu kala wareego waa marka lagu kala calaf qaato kaddib, waxaana uu soo jeediyay in muranka siyaasadeed ama kala aragti duwanaanta lagu dhammaayo wadahadal iyo is faham oo muhiim u ah geeddi socodka Dalka.

“Labada Dhinac ee Siyaasadda isku haya way isku raacsan yihiin in ay dhacdo Doorasho toos ah balse waxa uu khilaafka ka jiraa sida loo hirgelinayo, waqtiga la fulinayo & cidda kormeeraysa hirgelinteeda” Sidaasi waxaa yiri Siihayaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis

Hadalkaan waxa uu ku sheegay Waraysi uu siiyay Dawan Africa, waxaana uu kusoo aadayaa iyada oo jiraan hadallo ka dhashay doorashada Soomaaliya, Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Dowladdu uu dhammaaday halka Dowladdu ay dood ka dhigatay in muddo sannad ah u dhiman yahay iyada oo cuksanaysa dastuurka cusub ee Dalka.

DFS ayaa 25kii December 2025 waxa ay Muqdisho ka qabatay Doorasho Dadweyne oo si xasiloon kusoo dhammaatay kuna codeeyeen Dadkii la diiwaangeliyay, waxaa xigtay doorashadii ka dhacday Koofur Galbeed 10kii May 2026 oo si nabdoon kusoo idlaatay inkasta oo Mucaaradku dureen doorashooyinkaas balse Beesha Caalamka ayaa soo dhawaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here