Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Oo Muqdisho Kula Kulmay Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay Ee...

Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Oo Muqdisho Kula Kulmay Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Bani’aadannimada

1
0

Talaado 17 Nov 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Hoggaamiyaha, ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta taageerada Qaramada Midoobay iyo horumarinta wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gurmadka iyo gargaarka bani’aadannimo.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka ku soo bandhigay baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada maamulka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka, si xal waara loogu helo duruufaha nololeed ee haysta bulshada.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in taageerada bani’aadannimo ay muhiim tahay in lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, lana xoojiyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan, si gargaarku u gaaro dadka ay sida weyn u saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadannimo.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada  Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah, si loo kordhiyo taageerada bani’aadannimo ee la gaarsiinayo bulshada ku dhaqan deegaannada maamulka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here