Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Taliyaha Qaybta Gobolka Baay Ee Ciidanka Asluubta Kgs Oo Kormeeray Dhismaha Xabsiga...

Sawiro;-Taliyaha Qaybta Gobolka Baay Ee Ciidanka Asluubta Kgs Oo Kormeeray Dhismaha Xabsiga Dhexe Ee Baydhabo

1
0

Talaado 17 Nov 2026 {CBB}Taliyaha Qaybta Gobolka Baay ee Ciidanka Asluubta Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed, G/dhexe Cali Cabdi Maxamed (Cali Dhay), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dhismaha cusub ee Xabsiga Dhexe ee degmada Baydhabo.

Taliyaha ayaa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Baydhabo, Dhamme Cabdullaahi Xasan Cali, kaas oo warbixin faahfaahsan ka siiyay halka uu marayo dhismaha, hawlaha la qabtay iyo qorshaha lagu dhammaystirayo qaybaha dhismaha ee harsan.

Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd la socodka horumarka dhismaha iyo dib-u-habaynta kaabayaasha xarunta xabsiga, si loo horumariyo adeegyada iyo xaaladaha shaqo ee xarunta.

Taliyaha ayaa sidoo kale indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee dhismaha, isaga oo xog ka helay hawlaha socda iyo qorshayaasha lagu dhammaystirayo xarunta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here