Talaado 17 Nov 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa deeq xoolo ah ugu deeqay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan degmada Baraawe, oo ah caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed, oo wakiil ka ahaa Hoggaamiyaha, ayaa deeqda xoolaha ah si rasmi ah ugu wareejiyay ciidamada ku sugan degmada Baraawe.
Deeqdan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku dhiirrigelinayso Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo u taagan sugidda amniga, difaaca shacabka iyo ka hortagga kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.








