Talaado 17 Nov 2026 {CBB}War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka Mareykanka uu sannad kale ugu cusbooneysiiyey maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Dowladda Soomaaliya waxa ay tallaabadaan ay qaadday Washington ku sifaysay mid xoojinaysa howlgallada ka dhanka ah AS iyo adkaynta Nabadgalyada gaar ahaan waqtiga kala guurka ah ee lagu diyaarinayo Ciidamada Federaalka ee buuxinaya kaalinta Askarta Afrikaanka ah ee Howlgalka AUSSOM sida hadalka loo dhigay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 4-tii sano lasoo dhaafay guullo muhiim ah laga gaaray adkaynta Amniga Dalka iyada oo dib xasiloonida loogu soo celiyay deegaanno gacanta ugu jitay AS, Sidoo kale waxa ay xustay in ka badan 20 Saldhig ciidan ay kala wareegtay Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Maraykanka ayaa horay u jaray kaalmadii dhaqaale uu bixinayay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS oo caawiya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee fasaxa ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyada oo la filayo in howlgalkaas lasoo afmeero sannadka soo socda ee 2027
Arrintaan waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo horay ay codsi dhaqaale u gudbiyeen Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay ee ciidankaan soo diray ayaa billawday la bixitaanka qaar kamid ah ciidankooda waxaana durba boosaskooda buuxiyay Ciidanka Federaalka.







