Talaado 17 Nov 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, Ayaa Dhagax-Dhigay Dhismaha Xarunta Cusub Ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug, Taas Oo Qeyb Ka Ah Qorshayaasha Lagu Horumarinayo Hay’adaha Dowladda Iyo Tayaynta Maamulka Shaqaalaha Rayidka.
Hoggaamiye Liibaan Ayaa Munaasabadda Dhagax-Dhigga Ka Sheegay In Horumarinta Iyo Tayaynta Shaqaalaha Rayidka Ay Ka Mid Tahay Mudnaanta Koowaad Ee Hoggaankiisa, Isaga Oo Xusay In La Dhisayo Hannaan Shaqaaleysiin Iyo Dallacsiin Oo Ku Saleysan Caddaalad, Aqoon Iyo Karti.
Waxa Uu Sidoo Kale Carrabka Ku Adkeeyay In Laga Gudbayo Eexda, Nin-Jecleysiga Iyo Xulashada Ku Saleysan Qabyaaladda, Si Loo Helo Shaqaale Dowladeed Oo Ku Yimaada Tartan Furan Iyo Karti Aqooneed.
Dhanka Kale, Hoggaamiyaha Galmudug Ayaa U Mahadceliyay Deeq-Bixiyeyaasha Taageerada Ka Geysanaya Hirgelinta Mashruucan, Isaga Oo Tilmaamay In Xaruntan Cusub Ay Door Muhiim Ah Ka Qaadan Doonto Xoojinta Hay’adaha Dowladda, Hufnaanta Maamulka Iyo Horumarinta Nidaamka Shaqaalaha Rayidka Galmudug.
Halkan Ka Daawo Muqalka ;-








