Home WARARKA CAALAMKA Maraykanka oo dhisaayo ciidamada badda Iiraan.

Maraykanka oo dhisaayo ciidamada badda Iiraan.

1
0

Jimco 15 May 2026 {CBB} Taliyaha saldhiga dhexe ee ciidamada Maraykanka CENTCOM, Admiral Brad Cooper ayaa isaga oo kahor hadlayay mudanayaasha Senate-ka Maraykanka gaar ahaana ka warbixinayay dagaalka Iiraan ayaa sheegay in awoodda ee ay ku khatar galin karto dariskeeda iyo danaha Maraykanka ee gobolka si weyn hoos loogu dhigay.

Waxa uu sheegay howgalkooda milatari uu daciifiyay kaabayaashii warshadeed ee Iiraan sida gantaalada, ciidamada badda iyo awooddii soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo la gaarsiiyay ilaa 90%, waxaana sida uu yiri dib u dhiska ciidamada badda Iiraan ay ugu yaraan qaadan doontaa wakhi ilaa jiil cusub.

‘’Khatartii Iiraan si weyn ayaa hoos loogu dhigay, mana sii awoodaan inay khatar sii galiyaan bahwadaagteena gobolka ama Maraykanka sidii ay horay awoodda ugu lahaayen, dhammaan dhinacyada kala duwan. Si weyn ayaa loo daciifiyay,’’ ayuu Cooper u sheegay guddiga Senete-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here