Jimco 13 Nov 2026 {CBB}Baraawe – Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulamo kala duwan la qaatay maamulka degmada Baraawe, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha hay’adaha amniga.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga magaalada Baraawe, dardargelinta gaarsiinta bulshada adeegyada dowladda iyo doorka odayaasha dhaqanka ee nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka bulshada.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale kala hadlay qeybaha uu la kulmay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta maamulka, hay’adaha amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah booqashada shaqo ee Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uu ku joogo magaalada Baraawe, taas oo uu ugu kuurgelayo xaaladda guud ee deegaanka iyo baahiyaha shacabka.
Hoos Ka Dawo Muqalka Codkaa







