Home WARARKA MAANTA Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Shabeelaha Hoose

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Shabeelaha Hoose

2
0

Jimco 13 Nov 2026 {CBB}Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo damacsan in ay xoojiso howlgallada ka dhanka ah AS ee Shabeelaha Hoose ayaa kordhisay Ciidanka ka howlgallaya Deegaannada u dhaxeeya Shabeelaha Hoose iyo Baay.

Ciidamada Dowladda oo isugu jira kumaandooska Danab, Gorgor iyo kuwa Militariga ah oo dhammaantood katirsan Xoogga Dalka ayaa dagaallo la galay AS iyaga oo guullo ka sheegtay howlgalladaas.

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guullo ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyada oo Dowladdu intaas ku dartay in la dilay xubno sare oo katirsan AS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here