Home WARARKA MAANTA Beesha Gugundhabe oo Muqdisho ku qabatay qado sharaf lagu maamuusay Isimada Dhaqanka...

Beesha Gugundhabe oo Muqdisho ku qabatay qado sharaf lagu maamuusay Isimada Dhaqanka Soomaaliyeed.

2
0

Jimco 15 May 2026 {CBB} Beesha Gugundhabe ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay qado sharaf heer sare ah oo lagu maamuusay Isimada Dhaqanka Soomaaliyeed ee maalmahan ku sugnaa caasimadda, kuwaas oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dalalka deriska ah.

Gogoshan dhaqameed oo ay isugu yimaadeen isimada Soomaaliyeed ayaa waxaa fidiyay Wabar Mohamed Wabar Ahmed iyadoo kulanka diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee dhaqanku ku leeyahay dowlad dhiska, dib u heshiisiinta bulshada iyo xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Dalka, iyadoo isimadu ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dowlad dhiska, la abuuro kalsooni bulsho, isla markaana bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagto nidaamka dowladnimo iyo horumarka dalka.

Ugu danbeyn Isimada dhaqanka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dhaqanku uu laf-dhabar u yahay nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta midnimada bulshada, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan xasilloonida, horumarka iyo mustaqbalka dalka.

           

     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here