Arbaco 25, Sept 2024 {CBB}Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Gaashanle Sare Mohamuud Shaahiyow oo uu Wehliyo Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Baay Dhame Abdifatah Isxaaq Aadan ayaa Socdaal ay ugu kuuragalayeen Amniga Magaalada Baydhabo ku maray Xarumaha Ganacsiga, Goobaha Waqtiga ay ku qaataan Dhalinyarada iyo Wadooyinka Soo Gala Magaalada.
Socdaalka inta uu socday Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa wax ka weydiinayey Bulshada sida ay u arkaan Amniga Magaalada isagoona Faray Bulshada inay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si looga Hortago Dhagaraha Khawaarijta ay Umaleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wada Howlgalo Balaaran iyagoona bishii lasoo dhaafay fashiliyey dhaqaro khawaarijta umaleegayeen Bulshada.