Home WARARKA MAANTA Itoobiya oo walaac ka muujisay hubka Muqdisho ay keentay dowladda Masar

Itoobiya oo walaac ka muujisay hubka Muqdisho ay keentay dowladda Masar

35
0

Arbaco  25, Sept 2024 {CBB}Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Taye Atske-Selassie oo ka qeyb galaya shirka qaramada midoobay ee ka socda dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay hubka ay Masar ugu deeqday dowladda Soomaaliya, dhawaana ka soo degay dekadda Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in dhaqdhaaqyada hubka in ay khatar ku yihiin amniga geeska Afrika, isaga oo sheegay in dowladda Itoobiya ay si dhaw ula socoto hubkaasi.
Isaga oo sii hadlaya ayuu tilmaamay in hubkaasi uu gacanta u gali karo kooxa loogu yeero Argagixisada.

Itoobiya ayaa hore walaac uga muujisay heshiiska dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Masar, iyada oo u aragta in uu ka horimaanayo danaheeda.
Hadalada ka soo yeeraya madaxda Itoobiya ayaa ku soo aadaya xilli culeys dhinaca diblumaasiyadda ah ay saartay Dowladda Soomaaliya, ka dib heshiiska dhinaca badda ee ay la saxiixdeen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here