Jimco 22 May 2026 {CBB}Sentar. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka baxay garabka Mucaaradka isagoo u safray Gaalkacyo si uu ugu qaybgalo ololaha doorashada Galmudug.
Si ay sheegeen ilo xog ogaal ah Qaybdiid ayaa ka qaybgalaya doorashada toos ah ee Galmudug iyadoo loo balanqaaday in uu soo qaadan doono kursigiisa.
Galmuduga ayaa dhawaan martigalinaysa doorashada hogaanka maamulka iyadoo musharax Liibaan Axmed Xasan uu helay taageerada madaxda Faderaalka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.







