Sabtii 23 May 2026 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in socoto shaqada la xiriirta soosaarka Shidaalka Soomaaliya, waxa uu xusay in muddo u dhaxaysa 6 ilaa 9 bil lagu soosaarayo waa haddii aanay isbaddelin cimillada.
Erdogan ayaa sheegay in Shaqo muhiim ah oo taariikhi ah ay ka wadaan Xeebaha Soomaaliya, dedaallada socda iyo sahankii la sameeyay ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay in guusha laga filanayo ay noqoto mid aad muhiim u ah.
“Shidaalka Soomaaliya howgalka qodistiisa waxa aan ku dhammeystireynaa 6 ilaa 9 bil waa haddii ay cimillado ina saacido, shaqooyinka ay ka wadno xeebaha Soomaaliya waa muhiimad taariikh leh” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Ka faa’iidaysiga Soomaalida ee khayraatkooda ayuu ku sheegay in ay ka dhigayso Dad barwaaqo ah oo kasoo kabta duruufaha iyo waayaha adag ee soo maray, waxaana uu ugu baaqay in ay garab istaagaan dedaalladaas muhiimka ah ee socda.
“Rajadeennu waa in aan shacabka Walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee sanado badan la daalaa dhacayay xasilooni darrada & Macluusha gaarsiinno warka farxadda leh ee ay sugayeen oo ah in muddadaas kaddib lasoo gabagabayn doonno qodista Shidaalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Turkiga waxaa Soomaaliya ka jooga Maraakiibtiisa qoda Shidaalka kuwaas oo shaqadii ugu horreysay ee meel ka baxsan Dalkooda ka qabanaya Biyaha Dalka, Ankara ayaa horay u sahmisay ceelashaas shidaalka laga soosaarayo.







