Home WARARKA CAALAMKA Madaxweynaha Turkiga oo Si Adag uga Hadlay Nabadda Bariga Dhexe

Madaxweynaha Turkiga oo Si Adag uga Hadlay Nabadda Bariga Dhexe

1
0

Axad 24 May 2026 {CBB} Madaxweynaha Turkiga oo xiriir Teleefon la sameeyay Madaxda Maraykanka, Baxrayn, Imaaraatka, Qatar, Masar, Sacuudiga, Pakistan & Iiraan waxa uu u sheegay in Dalkiisa uu taageerayo Wadahadallada lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe.

Sida ay baahisay Madaxtooyada Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa mid mid u dhagaystay Madaxdaas isaga oo kaddib u gudbiyay fariintiisa dalkiisa ee ku saabsan sida loo gaari karo nabad waarta oo Bariga Dhexe kusoo laabata.

Erdogan ayaa xusay in colaad weliba oo dhacda aan laga maarmi Karin nabad iyo qorshe sal-fadhiya oo Diblumaasiyadeed oo dhinacyada is haya daacadnimo ku dheehayaan dedaallada xiligaas la wada si loosoo afjaro wixii la isku qabtay.

Waxa uu ka digay in lagu guuldaraysto dedaallada cusub ee socda isla markaana cashir laga qaato dhacdooyinkii hore ee sababay guuldarada lagu kala tagay waa marka dib loogu noqdo wadahadalladii hore ee Fashilmay inkasta oo xabbad-joojin lagu gaaray.

Turkiga ayaa horay usoo dhaweeyay dedaallada wadahadallada ah ee socda, Pakistan oo gogoshii hore dhigtay ayaa markaan isku dayaysa in ay ballaariso oo Dalal cusub kusoo biiriso si Dalalka is haya loogu qasbo qodobada qaar oo u cuntamayn sida hadalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here