Home WARARKA CAALAMKA Ukraine waxay ka caraysiisay Ruushka, Putin -na wuxuu amray in Ukraine lagu...

Ukraine waxay ka caraysiisay Ruushka, Putin -na wuxuu amray in Ukraine lagu garaaco gantaalka qiyaamaha.

1
0

Axad 24 May 2026 {CBB}Ukraine waxay ka caraysiisay Ruushka… Putin -na wuxuu amray in Ukraine lagu garaaco gantaalka qiyaamaha
Maxaa dhacay 12 saac ee u dambeysay?

Ruushka ayaa 12 saac ee u dambeeyay ku qaaday Ukraine weerarkii ugu cuslaa labadii sanno ee u dambeysay, iyadoo wasaaradda Difaaca Ruushka ay si cad u sheegay in weerarradaa loo adeegsaday gantaalka hypersonic-ka ah ee Oreshnik oo loogu yeero gantaalka dhul-gariirka ama gantaalka qiyaamaha.

Ruushku wuxuu sheegay weerarradan in looga jawaabay sare u kaca ku yimid weerarrada ay Ukraine ku beegsanayo goobaha rayidka ee gudaha Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in caasimadda Kyiv ay ahayd bartilmaameedka ugu weyn inta ay socdeen weerarrada Ruushk, tan iyo xalay.

Wuxuuna shaaciyay dhimashada tobannaan qof iyo dhaawac ka badan 100 qof.
Xaaladda dagaalka Ruushka iyo Ukraine;

Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa sanadkan galay marxalad ka duwan sidii hore. Bilowgii dagaalka, Ruushka wuxuu filayay inuu si degdeg ah dhul badan u qabsado islamarkaana cadaadis militari ku jebiyo Ukraine. Laakiin hadda xaaladdu waxay isu beddeshay dagaal daal badan uu ka wajahayo Ruushka, kharash badan iyo horumar gaabis ah.

Inkasta oo Ruushku wali haysto awood militari oo weyn, haddana sanadkan ma uusan sameyn horumar weyn oo muuqda oo dhanka dhulka ah. Ciidamada Ukraine ayaa dhistay difaacyo adag, waxayna heleen taageero militari iyo xog sirdoon oo ay ka helaan reer galbeedka. Taasi waxay ka dhigtay in ciidamada Ruushka ay ku adkaato inay si degdeg ah u jebiyaan khadadka difaaca.

Dhanka kale, Ukraine waxay beddeshay istaraatiijiyaddeeda dagaal. Halkii ay xoogga saari lahayd oo keliya dagaalka jiidda hore, waxay bilowday inay si joogto ah u beegsato gudaha Ruushka, gaar ahaan xarumaha tamarta iyo warshadaha shidaalka.

Weerarradan oo inta badan lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu garaacay xarumo shidaal,bakhaarro tamar,warshado muhiim ah iyo saldhigyo militari.

Ujeeddada Ukraine ma ahan oo keliya burbur militari, balse waa inay Ruushka ku abuurto cadaadis dhaqaale iyo mid gudaha ah. Marka xarumaha tamarta la weeraro, waxaa saameyntu si dhaqso ah u taabanaysa shidaalka, korontada iyo dhaqaalaha lagu taageeraya dagaalka.

Sidaas darteed, dagaalku maanta ma ahan oo keliya dagaal ciidamada dhulka ku dhexmaraya, balse wuxuu noqday dagaal lagu bartilmaameedsanayo dhaqaalaha, tamarta iyo awoodda istiraatiijiga ah ee labada dal.

Ruushka wali wuxuu leeyahay awood weyn iyo saameyn militari, laakiin Ukraine waxay isku dayaysaa inay dagaalka ka dhigto mid qiimo badan oo daal uu ka qaado Ruushku, taasoo waxa la raadinayo tahay in Ruushka ku adkaato inuu sii waddo dagaal dheer oo aan guul degdeg ah lahayn.

Mar kasta oo Ruushka uu wajaho cadaadis , wuxuu adeegsadaa gantaalka Oreshnik.

Maxaa looga cabsanayaa gantaalkan?

Sababta gantaalka Ruushka ee Oreshnik loogu arko hub istaraatiiji ah oo cabsi badan leh waa awooddiisa iyo qaabka uu u shaqeeyo.
Gantaalkan wuxuu ku socdaa xawaare aad u sareeya oo gaaraya ku dhowaad 3 km ilbiriqsigii, wuxuuna awood u leeyahay inuu xawaarihiisa sii ilaashado inta uu hawada ku jiro.

Waxyaabaha ugu yaabka badan ayaa ah in kahor inta uusan gaarin bartilmaameedka uu isu kala qeybiyo 6 ama 7 madax oo qarxa.
Halkan waxaa muhiim ah in la fahmo in kuwani aysan ahayn bambooyin yaryar oo si random ah u kala dhacaya, balse ay yihiin madaxyo dagaal oo waaweyn oo mid kasta si gaar ah loo maamuli karo.

Dad badan waxay arkeen sida gantaallada Iiraan qaarkood, sida Khorramshahr-4, ay isu kala firdhaan oo ay u daadiyaan bambooyin yaryar oo meelo kala duwan ku dhacaya.

Laakiin Oreshnik wuu ka duwan yahay arrintaas.

Madax kasta oo ka go’a gantaalka wuxuu leeyahay hagitaan u gaar ah iyo waddo u gaar ah oo uu ku socdo.

Taasi waxay ka dhigan tahay in madax kasta loo diri karo bartilmaameed ka duwan kuwa kale, ama dhammaantood lagu ururin karo hal goob oo weyn sida saldhig militari ama warshad gantaallo.

Gantaalku si caadi ah uma qarxo si uu biraha u kala firdhiyo,balse wuxuu sameeyaa kala go’ farsamo oo si casri ah loo qorsheeyay, taas oo dhacda marxalado kala duwan gudaha iyo bannaanka hawada sare.

Madax kasta oo dagaal wuxuu sitaa nidaam hagitaan oo horumarsan iyo biro culus oo adag oo loogu talagalay inay jebiyaan xarumaha difaaca adag iyo goobaha dhulka hoostiisa ku yaalla.

Xitaa marka madaxdaasi kala baxaan, mid kasta wuxuu sii wadaa inuu ku socdo xawaare aad u sareeya oo gaaraya 10 Mach, wax ka dheereeya toban jeerka inta ay is gaarayaan codka labada qof ee is horfadhiya.

Kadib waxay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo adag oo lagu marin habaabinayo difaacyada cirka, iyagoo si sax ah ugu socda bartilmaameedyo kala duwan.

Ilbiriqsiyada ugu dambeeya kahor inta aysan dhicin, waxay sii daayaan walxo culus oo si xoog leh ugu dhacaya bartilmaameedka.
Gantaalkan waxaa la sheegay inuu awood u leeyahay inuu jebiyo xarumaha ugu adag ee dhulka hoostiisa laga dhisay,inuu waxyeelleeyo saldhigyada militari,

iyo inuu curyaamiyo nidaamyada difaaca cirka.

Ugu dambeyntii,burburka uu geysto mararka qaar kama yimaado qarax weyn oo caadi ah, balse wuxuu ka yimaadaa xoogga xawaaraha iyo culayska walxaha ku dhacaya bartilmaameedka.Taasi waa sababta saameyntiisa mararka qaar loogu barbar dhigo dhulgariir ku dhacaya xarumo istaraatiiji ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here