Arbaco 27 May 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo qorsheynaya in bisha soo socota 14keeda uu qabsado dhalashadiisa 80aad isaga oo ku dhex qarsanaya munaasabadda lagu maamuusayo madaxbannaanida dalkiisa iyo tartanka isku dhafan ee UFC loo yaqaan.
Goobta dhismaha uu ka socdo ee Aqalka Cad waxaa loogu talagalay in ay ka qaybgalaan tartanka feerka iyo lag-danka isugu jira ee lagu qabayo in ku dhow 10 kun oo qof halka bannaanka ay ka daawan doonnaan dad badan shaashado meelo kala duwan loogu xiri doonno.
Donald Trump ayaa amray in la dhiso garoon macmal ah oo fudud iyo gidaar amni maadaama uu ka qaybgalayo munaasabaddaas, waxaana dhismaha uu ka socdaa Dhanka Koofureed ee Aqal Cad sida ka muuqata muuqaallo laga soo duubay meelo fog oo Warbaahintu heshay.
Ciidamo Amni oo ay qayb ka yihiin kuwa ilaaliya madaxtooyadiisa ayaa aad u ilaalinaya amniga goobtaas dhismaha uu ka socda oo ay ka howlgallayaan shaqaale iyo Gaadiidka wax dhisa iyada oo shaqadaan lagu soo dhammaynayo muddo kooban.
UFC oo ah magaca shirkadda qabata tartanka waxaa lagu lifaaqay Freedom 250 oo ah munaasabadda madaxbannaanida Maraykanka waxaana intaas sii dheer 80 sano guurada Madaxweynaha xafiiska jooga ee Donald Trump.
Dadka ugu caansan ee dagaalka ama ciyaartaas kasoo muuqan doonna waxaa kamid ah:
Ilia Topuria vs Justin Gaethje
Alex Pereira vs Ciryl Gane
Waa markii ugu horraysay ee Aqalka Cad lagu qabto Tartanka UFC, sidoo kale waxa ay dad badan dhaliilsan yihiin in la isku dhaf dhafo tartantaan, munaasabadda madaxbannaanida Maraykanka iyo Dhalashada Madaxweyne Donald Trump.







