Khamis May 27, 2026 {CBB}Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Dahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in dhammaadka sannadkan 2026 la filayo natiijo wanaagsan oo ka soo baxda howlgalka baarista Shidaalka ee ay wadaan Maraakiibta Turkiye.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay sii xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Turkiga ee dhinaca macdanta iyo tamarta.
Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa bishii hore soo gaaray xeebaha Muqdisho, isagoo u sii gudbay Dowlad goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka wado Qodista Shidaalka.
“Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca shidaalka hadda wuxuu galay wajigii labaad, kaas oo ah qodista shidaalka,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda wararka Anadolu Agency.
Howlaha qodista Shidaalka ayaa la filayaa in natiijo laga soo soo saaro 6 ilaa 9 bilood ee soo socda, sida ay sheegeen Madaxda Turkiga.







