Home WARARKA MAANTA Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Akhrinta Koowaad Marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda NISA ee...

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Akhrinta Koowaad Marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed

1
0

Khamiis  26 Nov 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo lagu soo bandhigay laguna akhriyey akhrinta koowaad Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya (SISA).

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, saameynta isbeddelka cimilada, dardargelinta maamul-daadejinta iyo horumarinta dhallinyarada.

Golaha Wasiirrada ayaa dood iyo falanqayn ka yeeshay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga, wax ka qabashada caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, horumarinta nidaamka maamul-daadejinta iyo abuurista fursado shaqo iyo horumarineed oo dhallinyarada Koonfur Galbeed kaalin muuqata uga qaadan karaan dowlad-dhiska iyo horumarka bulshada.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in ay dardargeliyaan qorshayaasha horumarineed, isla markaana ay xoogga saaraan adeegyada bulshada iyo wax ka qabashada baahiyaha shacabka ku nool guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, amniga iyo horumarka guud ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here