Khamiis 26 Nov 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ballaarinayo soo saarida Hubka Nukliyeerka..
Wakaaladda wararka dowladda Waqooyiga Kuuriya ee KCNA ayaa sheegtay in Kim uu xaqiijiyay in si qorshaysan loo ballaarinayo awoodda dalka ee soo saarista walxaha nukliyeerka, xilli uu kormeer ku tagay xarumo soo saara walxaha nukliyeerka iyo hay’adaha cilmi-baarista hubka.
Kim Jong-un ayaa sheegay in Waqooyiga Kuuriya yahay dal leh hubka nukliyeerka, isla markaasna aysan ka galeyn wax wadahadal dibadeed ah.
Wuxuu sidoo kale dhaliilay dalalka iyo dhinacyada ku adkeysanaya in Waqooyiga Kuuriya laga dhaadhiciyo inay ka tanaasusho hubkeeda nukliyeerka, isagoo sheegay in aanay aqoonsan xaqiiqada cusub ee jirta.
Hadalka Kim ayaa muujinaya in Pyongyang ay sii waddo qorshaheeda ballaarinta awoodda nukliyeerka, iyadoo aan muujin wax diyaar-garow ah oo ay ku tanaasulayso hubkaas.







